Barida Dhaqanka Turkiga

Barida Dhaqanka Turkiga

Yazıcı-dostu sürüm

Machadka Yunus Emre ayaa waqti kooban ku qabtay howlo badan oo muhiim ah waxtarna u leh ummada iyadoo laga anbaqaadaayo dhaqanka hodanka ah ee dalweynaha Turkiga. Machadku waxaa uu mudnaanta koobaad siiyaa hormarinta Luuqada iyo kobcinta dhaqanka. Turkigu waa dal leh tariikh facweyn iyo ilbaxnimo waxweyn kusoo kordhisay adanaha waxaa uuna ka shaqeeynayaa sare u qaadida iyo aruurinta wixii laga dhaxlay taariikhda.

Dhanka kale, waxaan dhiiri gelinaa farshaxanka casriga ah iyo dhaqankii hore Waxaan isku dayeynaa inaan soo bandhigno aragtiyo dhaqameed kala duwan anagoo ku biirinayna hab dhaqameedka cusub iyo dhaqankeenii hore. Ahmet Hamdi Tanpınar, oo ka mid ah qorayaasha aan magacoodu duugoobin dhanka suugaanta Turkiga ayaa yiri; waxaa jira baahi loo qabo in la cusbooneysiyo dhaqanka si joogto ah iyadoo la tixgelinaayo isbedelede ku dhacaayo adanaha iyo koonka uu ku noolyahay. Adanaho waxaa uu ku qasbanyahay inuu lajaanqaado isbedelada nolosha si loo cusbooneysiiyo dhaqan dhaxalkii hore iyo midka cusub ee maanta. Ahmet Hamdi Tanpınar wuxuu sharaxayaa baahida loo qabo in boorka laga qaado dhaqanka iyadoo la is waafajinaayo dhaqankii hore iyo maanta lana hormariyo curinta cusub iyadoon la carqaladeynin dhaqankii hore laguna biirinaayo kan maantay. Sida uu yiri Tanpınar.

 Machadka Yunus Emre, asigoo dhiirigelin ka helaayo dhaqanka, waxaa uu ku dadaalaayaa sidii aan ula xiriiri lahaa dadka dunida casriga ah si uu usoo bandhigo horumarinta joogtada ah, is-beddelka iyo uruurinta dhaqaka. Kaliya masheegeeyno dhaqankeena ee waxaan isku dayeeyna inaan fahamno midabada dhaqankeena gaarka ah, laakiin waxaan sidoo kale isku daynaa inaan fahamno hodantinimada dhaqamada ummadaha kale si aan is ugu xirno hormarada aduunka.

Waxaan khadarin weyn siineeynaa qiyamka iyo dhaqamada dalalka martigeliya hay'adaha ka shaqeeyo dhaqanka. Si loo abuuro xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan oo ka dhexeeya dalalka martida loo yahay iyo anaga, waxaan ka qeyb qaadanaa howlo suurta gelinaya is dhexgal dhaqan oo dhaxmaro dhinacyada si loo fuliyo howlo wada jir ah. Ujeedadeenu maaha kaliya inaan soo bandhigno dhaqankeena, laakiin sidoo kale waxaan aqoonsaneeynaa dhamada kale. 

Muhiimad weyn ayaan siinay iskaashiga dhaqanka iyo wax qabad wadajirka ah meel kasta oo aan ka shaqeyno. Waxaan si daacad ah u aaminsanahay in waxqabadyada wadajirka ah, isdhaafsiga dhaqanka iyo is-dhexgalka habka ugu dhaqsaha badan uguna waxtarka badan. Hadafkayagu waa inaanu ku dhaqaaqno uruurinta dhaqanka iyo sayniska dalkeenna iyo adduunka iyo inaan uqaadno khibradda aan leenahay quruumaha kale. Waxaan aaminsanahay in lawadaago dhaqanka iyo sayniska si looga wada faa”iido  ujeedadan awgeed, waxaan sii wadnaa inaan la kulanno fikirido kale sida Dede,Wagner, Yunus Verlaine iyo Baki Goethe.