Barida Luuqada Turkiga

Barida Luuqada Turkiga

Yazıcı-dostu sürüm

XARUMAHAYAGA DHAQANKA KABARO LUUQADA TURKİGA

Xarumahayaga Dhaqanka ee bixiya  koorsooyinka  AfkaTurkiga waxaay adeegsadaan hab casri ah, koorsooyinka waxaa loo kala qeeybiya heerar iyo  fidiyo kala duwan  iyadoo la raacayo shuruudaha u degsan xarumaha dhaqanka. İntaas waxaa sii dheer  koorsooyin gaar ah sida koorsooyin laxariira luuqada ganacsiga, koorsooyin ugaar ah caruurta,koorsooyin ugaar ah xifrada turjubaanimada iyo sidoo kale  saxaafda iyo warbaahinta.

Xarumahayaga Dhaqanka

 

UDOORO LUUQADA TURKİGA LUUQAD WAXBARASHO 

Iyadoo la raacayo dadaallada machadka Yunus Emre, Luuqada Turkiga waxaa lugu daray luuqadaha wax looga barto qaar kamid ah machadyada sare iyadoo laga dhigay luuqadaha xulashada mid kamid ah. Ama koorsooyinka afka labaad xulashooyinka aasaasiga khasabka ah ee machadyada Romania. Mashruucaan waxaa uu ka koobanyahay ku deritaanka Luuqada Turkiga manhajka Dugsiyada iyo Mufradaadka wax barasho ee Dugsiyada hoose iyo Sare si rasmi ah iaydoo laga dhigay  maado Luuqada qalaad oo  loo doorto si ikhtiyaari ah.

 

BARO LUUQADA TURKİGA ADOO JOOGA GURİGAAGA

Machadka Yunus Emre waxaa uu hashiis wadashaqeyn ah lagaaray Madaxda heyada xariirka Dibadjooga iyo JaaliyadahaTurkiga oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan YTB hashiiskaas waxaa uu dhigayaa in aradayda ku guuleeysta deeqaha wax barasho ee dalka Turkiga  lasiiyo fursada barashada luuqada Turkiga ee uu bixiyo machadka Yunus Emre ee kuyaal dalkooda ka hor inta aysan imaan Dalka Turkiga.

Türkiye Bursları: www.ytb.gov.tr

 

DUGSİGA XAGAAGA AF-TURKİGA

Barnaamijka sanadlaha ah ee Xagaaga Af-Turkiga waxaa la qabtaa sanadkiiba hamlar, waxaana kasoo qeybgalo ardada wax ka barada Machadka Yunus Emre qeybtiisa ka shaqeeya dibadda iyo marti sharaf ka socota dalal kala duwan ku waasoo wax ka barta Jamacadaha caalamka gaarahan waaxdaTurcology. Waxaa loo suurtageliyaa kasoo qeyb galayaasha iney baraatika ku sameeyan wixii eey dalkooda kusoo barteen. Ujeedadu mahan oo kaliya in ardaydu hormariyaan afkooda, laakiin waxaa barbar socda fursad eey ku booqanayaan goobaha tarikhiga ah iyo meelaha dalxiiska iyo magaalooyinka qadiimiga ah.

Türkçe Yaz Okulu: turkceyazokulu.com.tr

 

KU BARO LUUQADA TURKİGA AQOON DİRSİ

iyadoo la adeegsanayo fursadaha farsamada casriga ah. Machadka Yunus Emre wuxuu hiigsanayaa inuu ku baro luuqada Turkiga iyadoon loo eegeynin waqti iyo goob gaar ah, waxaa la isticmaalaaya habka tacliin dirsadka ah oo si cari ah loo diyaariyay. Waxaa la diyaariyay liis erayo tixane ah iyo qaab naxwo luuqadeedka oo si tartiib tartiib ah kuu tusaayo isku xirka luuqada. Sidoo kale waxaa la diyaariyay muuqaalo muujinaaya qaabka dhismaha luuqada iyo sida ay erayadu isku raacaan. Ardaydo waxay adeegsan karan erayada  laxariira nolol malmeedka oo lagu dabaqay waxqabyo ku saleysan afarta xirfadood ee luuqadda.

Albaabka barashada Luuqada Turkiga : turkce.yee.org.tr

 

QALABKA BARİSTA LUUQADA TURKİGA

Machadka Yunus Emre waxaa uu wadaa daraasad ku saleysan hab casri ah oo lagu kobcinaayo agabka wax barista luuqada Turkiga. İyadoo la raacayo baahiyaha taagan xal xalintooda ku aadan hormarinta luuqada Turkiga. 

 

AF-Turkiga Qeybta Caruurta Loo Diyaariyay

Waxaa loogu talagalay caruurta da’doodu u dhexeeyso 6-9 sano buugag ugaar ah oo ka kooban 4 qeybood.

(Buugaagta casharada, Buuga Macallinka, Dhageysiga CD)

 Buuga “Türkçe Öğreniyorum”

Ardayda ay da’doodu u dhaxeeyso 10-15 waxaa loo diyaariay laba heer oo kala ah A1-A2 oo ka kooban 4 qeybood.

(Buuga Casharada, Buuga Leyliga, Dhageeysiga CD)

Buuga Yedi İklim

Ardayda da’doodu ka sareeyso 16 sano waxaa loo qeeybiyay 6 heer oo kala duwan A1- C2.

(Buuga Casharada, Buuga Leyliga, Buuga Macalimka, Dhageeysiga CD)

Buuga Barashada Erayo leh Sawiro  “Resimlerle Kelime Öğreniyorum”

Heerka A1 waxaa loo diyaariyay Qamuus leh sawiro ka kooban 600 eray iyo naqshadahooda iyo erayo leh dhikankooda  Ingiriis, Ruush iyo Carab.

Buuga Hadalka iyo qoraalka

Heerka A1 waxaa loo diyaariyay goob loogu talagay ku hadalka luuqada iyo qoralka sidoo kale waxaa ladiyaariayay 186 howl muqaal ah oo ka caawinaaya ardayda  ku hadalka luuqada.

Buuga Waxqabadka Fiidiyowga

Heerka A1-A2 waxaa loo diyaariyay muuqaalo loogu talagay in loo isticmaalo koorsooyinka oo ka kooban 32 muuqaal oo dhamaantood la xariira heerkan.

 

IMTİXAANKA AQOONTA LUUQADA TURKİGA

Imtixaanka Xirfadda luuqada Turkiga waa imtixaanka aqoonta guud ee luuqadda Turkiga. İmtixaankaan waxaa diyaaryay Machadka Yunus Emre iyadoo ujeeddadu tahay helitaanka imtixaan heer caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo in la dejiyo siyaasad lagu taageero u fududeynta ardayda shisheeye ee laga aqbalo Jaamcadaha dalka Turkiga. İmtixaankaan waxaa la galaa sanadkiiba 3 jeer iyadoo murashaxiinta ku guuleysata ay xaq uyeelanayaan iney in laga cafiyo diyaarinta Luuqada Turkiga Jaamacada ka hor.

TYS: tys.yee.org.tr

 

TABABARKA MACALLİNKA

Machadka Yunus Emre wuxuu bixiyaa barnaamijyo tababar macalinimo si loo diyaariyo macalimiin leh xirfad iyo aqoon kufilan oo la xariirta cilmiga barista luuqda Turkiga sidii luuqada qalaad.

Qaar ka mid ah barnaamijyada  Machadku fulisay

  • Barnaamijyada shahaadiga barashada luuqada Turkiga sidii Af- qalaad.
  • Barnaamijyada shahaadiga barashada sayniska luuqada Turkiga qeybta Turkology.
  • Koorsooyin tababaro ah oo lagu barayo luqadda Turkiga luuqad qalaad ahaan.
  • Barnaamijka xoojinta Dhaqanka.
  • Barnaamijyada tababarka shaqada.

 

IMTİXAANADA ARDAYDA SHANSHEEYE

Ardayda shansheeye ee raba iney galan jamacadaha Turkiga waxaa loo diyaariyay imtixaanka “YÖS” oo ardayga loo qiimeeyo natiijada ay keenaan. Machadku wuxuu gacan ka geystaa iskuduwidda iyo qaadista imtixaanaadka asigoo u furaayo xarumihiisa ku kala yaal dacalada aduunka  wuxuuna gacan ka geystaa xaqiijinta in  imtixaanaadka lagu qaaday xaalad iyo jawiga ku habboon.

 

WAXAAN DİYAARİNAY HAB CASRİ AH BARASHADA LUUQADA TURKİGA

Sabuuradaha casriga ah ee iskariiniska, macalimiin tababaran, agab ku caawinaayo, boodharka timaamayaasha darbiyada lagu dhejiyo, u diyaarinta koox kasta casharo ku haboon, Fasalo qaabeysan  U- oo loogu talagalay 8-16 qof.

Machadka Yunus Emre waxaa uu bixiyaa barista luuqada Turkiga oo leh agab dhameytran oo loo diyaariyay si casri oo waafaqsan nadaam luuqadeedka caalamiga ah taasoo dabooleeysa dhamaan baahiyaha qofka baranaayo luuqada.

 

WAXAAN DUNİDA KU FİDİNNAA BARASHADA LUUQADA TURKİGA

Laga soo bilaabo 2009, ku dhawaad 100,000 oo qof ayaa ku bartay luuqada Turkiga kuwasoo kaqeyb galay koorsooyinka ay bixiyeen xarumaheena dhaqanka ee ku yaal meel walba dunida. Marki taas lagu daro dadaalada iyo taageerada uu bixiyay machadka si loo gaaro in luuqada Turkiga lagu daro mufradaadka Dugsiyada dowlada luuqada labaad ee ajnabi ah oo laga qaato dugsiyda si ikhtiyaari ama qasab ah