Fariinta Madaxa Machadka

Fariinta Madaxa Machadka

Yazıcı-dostu sürüm

Waxaan idinka salamaya aduunyada Afarteeda gees

Sanadkii  2009 Machadka Yunus Emre asagoo kaashanaayo Mu,assada Yunus Emre waxaa uu bilaabay fasiraada dalka Turkiye, luuqada Turkiga, Adebka,Tarikhda, Dhaqanka iyo Fanka. Machadka waxaa uu ka hagool galaa 58 xarun oo ku kala yaal 46 Dal, siloo xoojiyo xariirka dhaqan iyo saaxiibtiinima Turkiga iyo wadamada kale, Heyada Yunus Emre waxeey ka shaqeeysaa gaarsiinta dhaqanka Turkiga dunida dacaladeda eyadoo lafiirinaayo  ahmiyeda eey leedahay İlbaxnimada Anadolo, dhaqankii iyo laga dhaxlay ilbaxnimadaas.

Sidoo kale Machadku waxaa uu masuul kayahay garsiinta, iftiiminta dhaqanka, tarikhda iyo luuqadii hore ee Turkiga asagoo adeegsanaayo xarumihiisa kala duwan ee dunida dacaledeeda. Machadku waxaa uu utaaganaahay qiimeynta adanaha iyo abuurista bulsho kuwada nool nabad, ixtiraam iyo isdhaafsiga wax yaalaha anfaca uleh Adanaha

Xarumaha Machadku ku leeyahay dunida dacaledeeda waxay kashaqeeyaan gudbinta dhaqanka suuban iyo ilbaxnimada Turkiga. Laga soo bilaabo asaaskii Jamhuriyeda Turkiga  oo 100 guuradiiso ku beegantahay  2023, Machadku waxaa uu ku haminaayaa in lagaarsiiyo xarumaha ka shaqeeyo barista Luuqada Turkiga,dhaqanka howlaha Farshanada in kabadan 100 xarumood oo kukala yaal Dunida oo dhan. Arimaas waxaa looga gol leeyahay in dunidu sidhow ula socoto dhaqanka Turkiga kana qaadato ilaha saxda ah.

Ugu danbeyn iyadoo laga anbaqaadaayo hormarinta culuumta Machadku waxaa uu taageeraa shaqooyinka lagu hormarinaayo culuumta asagoo wada shaqeyn iyo iskaashi la leh Macaahid kale oo ka shaqeeyo hormarinta culuumta. Machadku waxaa uu soo bandhigaa natiijooyinka kasoo baxa macmalada hormarinta culuumta asagoo la wadaagaayo bulshada Aduunka waxii hormar ah ee qabsoomay iyo natiijooyin cilmiyeedka gaaray, sidaas ayuuna Machadku ku noqday Buundada isku xirta Aduunyada oo dhan.

Jacayl iyo Qadarin

Prof. Dr. Şeref ATEŞ