Qaadista İmtixaanada

Qaadista İmtixaanada

Yazıcı-dostu sürüm

1. Waxaa maxaay isku filnaashaha aqoonta  luuqada Turkiga (TYS)?

Machadka Yunus Emre wuxuu casriyeeyay imtixaanka laga qaado dadka leh aqoonta luuqadeed iyo xifrada oo bartay luqada Turkiga af qalaad ahaan ama ku hadla sidii af hooyo. Waa imtixaan caalami ah oo lagu dabaqi karo dhammaan cabirka xirfadaha luqadaha aasaasiga ah.

2. Yaa geli kara Imtixaanka Aqoonta Luuqada Turkiga?

Ardayda bartay luuqada Turkiga sidii af qalaad ama waxbasharo iyo aqbalaad ka helay Jamacaha Turkiga ee ubaahan wax cadeeynaayo xogta aqoonda luqadooda iyo Macalimiinta usharaxan iney luuqada ka dhigaaan Macaahida kala duwan ee dibedaha ka shaqeeya iyo sidoo kale shaqsiyadka raba ineey ku shaqeetaan xirfada Tarjumaanimo iyo qof kasta oo raba inuu ogaado aqoontiisa luuqada Turkiga wuxuu geli karaa imtixaankaan TYS.

3. Maxay muhiim iigu tahay inaan galo Imtixaanka isku filnaashaha luuqada Turkiga?

Imtixaanka Aqoonta luuqada Turkiga waa imtixaan lagu qiimeeyo isdiiwaangeliyaha laguna ogaanaayo xirfadiisa luuqada. Haddii aad ku guulaysato diyaarinta Imtixaankaan waxaa laga dhaafaa koorsooyinka diyaarinta luuqada ee  jaamacadaha ku yaalla dalka Turkig. Ardayga waxaa la siinaayaa shihaado cadeyneysa aqoontiisa luuqadeed.

4. Qabkee loo codsadaa gelitaanka Imtixaanka aqoonta LuuqadaTurkiga?

İmtixaankaan waxaad ku dalban kartaa khadka internetka online. Eeg sinav.yee.org.tr.

5. Meeqa qeybood ayuu ka koobanyahay Imtixaanka luuqadaTurkiga?

Imtixaanka Xirfadda LuuqadaTurkiga ee lagu diyaariyey heerarka caalamiga ah wuxuu ka kooban yahay akhriska, Dhageysiga, Qorista iyo Hadalka (Hadal Madax-bannaan, Ku hadal labada dhinac ah) ". Shahaadada Aqoonta luuqada Turkiga ayaa la siiyaa murashaxiinta ku guuleysta imtixaanka taasoo lagu cabiraayo xirfadaha aqrinta, dhageysiga, qorista iyo hadalka.                                                 

6. Sidee loo galaa Imtixaanka Aqoonta luuqada Turkiga?

Imtixaanka Aqoonta luuqada Turkiga waxaa loo kala qeybiyaa 2 kalfadhi. Kalfadhiga koowaad, murashaxiinta waxaa laga qadaa su'aalaha; aqrinta, dhageysiga, qorista. Kalfadhiga labaad, waxaa la qiimeeynayaa awoodda ku hadalka.

7. Waqti intee leeg ayaa lasiiyaa galayaasha Imtixaanka luuqada Turkiga?

Muddada Imtixaanka Aqoonta luuqada Turkiga; akhrinta 60 dakiika, dhageysiga 45 dakiika, qorista 60 dakiika, awooda kuhadalka luuqada 5 dakiika, ku hadalka doodaa iska soo horjeedka 10 dakiika  guud ahaan 180 dakiiko.

8. Imisa jeer  ayaa la qaadaa Imtixaanka luuqada Turkiga sanadkii?

Imtixaanka Aqoonta luuqada Turkiga waxaa la gala sanakii 3 jeer. Janaayo, Meey iyo Sebtember. Imtixaanka Aqoonta luuqada Turkiga; waxaa qaado Machadka Yunus Emre si isku mid ah ayaana looga  qabtaa dalakla uu xarumaha lu leeyhay Yunus Emre  dunida oodhan.

 

9.  Ma heli karaa tusaale ah Imtixaanka Aqoonta Luuqada Turkiga?

Waxaad ka soo degsan kartaa tusaalaha İmtixaanka Luuqada Turkiga. websaydhka http://www.tys.yee.org.tr