Waa Maxaay Yunus Emre!

Waa Maxaay Yunus Emre!

Yazıcı-dostu sürüm

Machadka Yunus Emre waxaa loogu magac daray Yunus Emre oo ahaa wadaad suufi ah oo ku dhashay dhulka Anadolu noolaana qarnigii 13-aad iyo 14-naad. Yunus Emre waxaa uu ahaa  astaan iyo magac u taagan qiyamka aadanaha iyo nabada bulshada.

Muuqaalka ugu muhiimsan waa inuu yahay astaan iyo magac utaagan qiyamka aadanaha, jacaylka aadanaha iyo nabada bulshada. Sidaa darteed, Machadku waxaa uu dunida usoo  bandhigaa dhaqanka iyo fanka Turkiga, ilbaxnimada iyo in la fahmo asataamha wanaagsan iyadoo la isticmaalayo luuqado gaar. Si loo gaaro himiladaan oo aan dunida u muujino inaan haysanno eray aan sheegno, waa inaan marka hore u sheegno nafteena iyo qiyamkeena dhaqameed si sax ah.

Magaca Yunus Emre in loo doortay Machadkaan waxaa keenay hab dhaqankiisa oo ku saleeynaa hanka aadanaha. Shaqsiyadiisa weyn iyo  gabayadiisu waxaa eey aduunka kusoo biiriyeen iftiin iyo horumar sigar ah dalka Turkiga, sidoo kale falsafadiisa ku dhisan qiyamka guud ee aadanaha, waxay bixisay fariimo ujeedinaya bini-aadamka inay ku wada noolaadaan nabad iyo qiiyam caam ah iyadoo aan loo eegeen diin, luuqad ama midab gaar ah. Machadka Yunus Emre waxaa uu hadaf ka dhigtay  dhigay falsafadan  si uu uga kuur galo aasaaska mabaadiida iyo qiyamka Adanaha.