Dhaqanka iyo Diplomasiyada

Dhaqanka iyo Diplomasiyada

Yazıcı-dostu sürüm

HOR DHAC

Laga soo bilaabo 2009, Machadka Yunus Emre wuxuu Xarumaha Dhaqanka Turkiga ka furey magaalooyinka waaweyn ee dunida kuwaas ka shaqeeyo diblomaasiyadda dhaqanka, luuqadda iyo sayniska. Machadka Yunus Emre  waxaa uu shaki la'aan soo hooyay  sharaf weyn xaga fidinda dhaxal dhaqanka Turkiga. Ilaa iyo maanta -dalal badan oo ay ugu horeeyaan - Ameerika, Jarmalka, Austria, Albania, Azerbaijan, Belgium, Bosnia-Herzegovina, Algeria, Georgia, France, Morocco, Netherlands, England, Iran, Italy, Japan, Montenegro, Kazakhstan, Qatar, TRNC, Kosovo, Lebanon, Hungary, Masar, Macedonia, Malaysia, Moldova, Pakistan, Poland, Romania, Russia, Serbia, Senegal, Soomaaliya, Sudan, Jordan, Ukraine waxaa ka hool gala konton iyo afar (54) xarumood Machadka Yunus Emre waxaa isku dayaya in uu abuuro dalka Turkiga aragti wanaagsan asigoo adeegsanaayo diblomaasiyadda, sayniska iyo dhaqanka wanaagsan Turkiga.

Machadka Yunus Emre waxaa uu hiigsanayaa hagaajinta sumcada Turkigu ku  dhax leeyahay saaxada caalamka iyo in kor looqaado saaxibda Turkiga  dunida inteeda kale. Dalalka Xarumaha aan ku leenahay waxaan ka wadnaa hawlaha sayniska, fanka, dhaqanka barashada luuqada iyo in la aruuriyo dadka aqooyhanka ah waa mid ka mid ah waajibaadka aasaasiga ah.  Waxaa aaminsanahay inay suurta gal tahay in la sameeyo daraasado cilmiyaysan oo dhaqameed si loo ilaaliyo iskaashiga wadaaga ah iyo khadadka wada hadalka oo furan, is dhex gal aqooneed iyo abuuritaanka kooxo shaqo wadaag ah. Fursada sayniska dhaqanka ee Turkigu gaaray in adunka intiisa kale loo gudbiyo waa talaabo diblomaasiyadeed weyn  shaki la'aan. Arintaan waxay faa’iido utahay dhamaan dunida oo dhan cimli ahaan iyo is dhaxgal bulsha’aanba. Maanta, Turkigu waxaa aduunyada ku leeyahay 134 safaaradood, 81 Qunsuliyadood, 12 wakiillo joogto ah iyo 1 xarun rug ganacsiga 228 dhamaantood waxaay Dowlada Turkiga ku matalaan dibada. Danjirihii ugu horreeyay ee Turkiga u fadhiyay London Yusuf Agah Efendi kedib hormarkii la sameeyay dabcan aad ayuu muhiim u ahaa.  Firfircoonida siyasada arimaha dibedda oo ay hormood kayihiin safiiradeeyna ayaa waxaa suurta geliyay in lafuliyo hoowlo badan iyadoo laga tusaale qaadanaayo siyasada arimaha dibeda, Machadka Yunus Emre waxaa uu hormariyay xusuus qoryada safiirda  ka holgala wadamada Machadku ku leeyahay xarumaha.

Machadka Yunus Emre asigoo kaashanaayo Safaaradaha uu dalka Turkigu ku leeyahay wadama shansheeye ayuu suurtageliyay in ladiyaariyo xusuus qoraalada Safiiradii soo shaqeeyay iyadoo xooga la saaraayo  wadashaqeen dibloomaasiyadeed iyo xal uhelida caqabadaha jiro.

Tan iyo markii la asaasay Machadka Yunus Emre, dhammaan danjirayaashu waxay na siiyeen nooc kasta oo taageero ah. Waxaan umahadcelineeynaa  Adnan Keçeci, Ahmet Yıldız, İnan Öz yıldız, Kaan Esener, Mehmet Kemal Bozay, Oğuz Demiralp, Ömür Şölendil, Songül Ozan, Süphan Erkula sidoo kale waxaan umahadcelineeynaa Shaqaalaha  Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Madaha

Prof. Dr. Şeref ATEŞ

 

Dhaqanka iyo Dibloomaasiyada 

Daabacaadaha Akadeemiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Dibloomaasiyada

 

Tifetire: Prof. Dr. Şeref ATEŞ, Melih BARUT

Xiriiriyaha Guud: Şenol Selçuk TURAN

Dib u eegis: Fatmanur Samastı, Hümeyra Görmez Temren, Halil İbrahim Elsıkma

ISBN: 978-605-2097-06-9